Digniin: badaha Puntland caawa ilaa beri laguma safri karo loomana kaluumaysi tegi karo

Published: February 7, 2012

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland waxay ka digeysaa in badda caawa ilaa beri lagu safro amase loo kaluumaysi tago.

Digniintan ayaa ah mid ka dhalatay jewiga oo ahaa 24kii saac ee lasoo dhaafay mid aan wanaagsaneyn iyo dabaylo aad u xoog badan oo dhacaya.

Ganacsatada ay u raran yihiin doomaha xoolaha wada ee dekedda ku xiran waxaa la farayaa inay sugaan inta jewigu is bedelayo si looga hortago khatar ay suurtagal tahay inay dhacdo.

Bulshada kuwooda fariintan Idaacadaha ka maqla amase ay qaab kale kusoo gaarto waxaa laga codsanayaa inay gaarsiiyaan dadka ay khuseyso ee aysan weli gaarin.

Dabaylaha xoogan ee 24kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacaya in badan oo kamid ah deegaanada Puntland waa kuwo horay loo saadaaliyey dhowr beri kahor saameynna ku yeelan kara safarada dhinaca badda ah.

Inta badan xiliyada ay dabeylaha noocan oo kale ahi jiraa waxaa dhaca shilal khasaare nafeed iyo kuwo maaliyadeedba geysta sidaas darted wasaarada dekedaha iyo gaadiidka baddu waxay mar labaad iyo mar sadexaadba ku celineysaa digniinta ay arintan kasoo saartay.

 

Horsed Media

Xigasho: Xafiiska war-faafinta ee wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland