Digniin cusub oo laga soo saarey Burcadbadeeda Soomaaliya.

Published: October 24, 2024

Maraakiibta caalamiga ah ayaa looga digay in burcad-badeedda Soomaaliya ay u badan tahay in ay dib ugu soo laabtaan shaqada oo bilaabaan ugaarsiga maraakiibta ku sugan badweynta Hindiya.

Wararku waxay sheegayaan 13 burcad-badeed hubeysan ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceel Huur oo u dhow Hobyo, waxayna ku sugan yihiin badweynta Hindiya, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku sugan gobolka iyo sidoo kale khubarada dhinaca ammaanka ee EOS Risk Group, taasoo calaamad u ah in burcadbadeedu ay dib u balaabeen shaqadoodi.

“Dhammaan maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxadar leh u socdaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo,” Xarunta Amniga Badaha – Geeska Afrika (MSCHOA) ayaa ka digtay maalintii shalay ee Arbacada.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa galay hurdo dheer ilaa laga soo afduubay markabka kalluumeysiga ee Almeraj 1 oo sitay calanka Iran dabayaaqadii sanadkii hore, markaasoo dhaq dhaqaaqu uu mar kale bilowday.

Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee UK (UKMTO) ayaa Arbacadii soo warisay in markabka weyn ee Huan Hang 99 oo ku gooshayay calanka Shiinaha ay maalintii arbacada ku soo dhawaadeen shan doonyood oo yar-yar meel dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Cadan, ciidamada ammaanka ee saarnayd markabka ayaa ridey rasaas digniin ah. Weli ma cadda in doomaha ku lugta leh ay ka yimaadeen Yemen ama Soomaaliya.

HORSEED MEDIA