Digniin laga soo saaray daadad xoog leh oo kusoo wajahan Soomaaliya

Published: May 9, 2021

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa digniin kasoo saartay halis ka dhalan karta daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan, kaddib roobab mahiigaan oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyaan wabiyada Soomaaliya.

FAO ayaa sheegtay in webiga Shabeelle uu buux dhaafay kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee da’ay todobaadkii la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale sheegtay in roobabkii ka da’ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaas oo saameyn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

“Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar, bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa in ay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan”

ayaa lagu yiri qeyla-dhaan ka soo baxday FAO.

Inkasta oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha wabiga Jubba, hadana FAO waxay ay sheegtay in khatarta fatahaadda ay ka jirto degmooyin ay ka mid tahay Dooloow.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *