Digniin loo diray dadka adeegsada wadada Boosaaso iyo Qardho

Published: May 5, 2021

Waxaa markale hakad uu ku yimid isku socodka gaadiidka wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho kadib markii daadad ay kusoo rogmadeen togga Durdur ee mara degmada Carmo iyo deegaanka Ceeldaahir.

Wadadan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iskaga kala goosha gobolada dalka ayaa markii labaad xirantay todobaad gudihii iyadoo looga digay gaadiidleyda in ay ku safraan.

Gaadiid sida dadweyne kala duwan ayaa ku xaniban xiligan aagaga deegaanada Ceeldaahir iyo Carmo maadama ay biyo badan qul-qulayaan togaasi.

Taliska Qaybta Booliska Gobalka Bari ayaa shacabka ugu baaqay in aysan naftooda ku haligin daadadka markale ku soo rogmaday Togaga mara Carmo iyo Ceeldaahir ee Gobalka Bari.

Dhinaca kalena waxaa yar adeegsiga Buundada Qayaadsame oo ku taala deegaanka Alxamdulilaah kadib markii ay gooyeen biyo kusoo rogmaday.

Dowladda ayaa wada dadaalo dib loogu furayo aagagga ay ka xiran tahay wadada oo ah mid halbowle u ah magaalada Boosaaso iyo gobolada kale.

Marka la gaaro bilaha xagaaga ee sanadka waxaa kordha gaadiidka adeegsada wadadan maadama dadweyne ka xagaa baxaya cimilasa kulul ee Boosaaso ay u safraan deegaanada kale.

Horsees Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *