Digniin Maraykanku soo saarey oo Muqdisho argagax ka abuurtey

Published: April 8, 2024

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa sheegtay inay heshay xog ku saabsan hanjabaado ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu ku jiro garoonka Aadan Cadde.

“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa sheegtay in lasoo saaray heerka darajada afaraad ee digniinta socdaalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ah (“ha safrin”) ee Soomaaliya, sababo la xiriira dembiyada, argagixisanimada, kacdoonka shacabka, arrimaha caafimaadka, afduubka, iyo budhcad-badeednimada.

Gelinki danbe ee maanta oo isniin ah waxaa argagax xooggan digniintan ka dhex abuurtey magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha masuuliyiinta dowladdu isugu timaado.

Markii Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee NISA loo magacaabey Mahad Salaad oo todobaadkan xilka laga qaadey, ayaa Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ku tilmaamey “Nasiib darro” waxaana uu Mahad Salaad ku eedeeyey in uu wada shaqeyn dhow la lahaa argagsixisada al-Shabaab, soona maleegay dilal badan oo loo geystey saraakiisha dowladda isla amrkaana isku dayey in uu dilo raysalwasaare Kheyre.

Mahad Salaad waxa uu xilkiisa ku waayey weerarkii hotel SYL kadib markii kaamarooyinka CCTV ay muujiyeen qaabka weerarku u dhacay iyo in kooxda argagixisada la caawiyey oo ay weerar ka fuliyeen xayndaabka Madaxtooyada.

Maalinta berri ah ee Salaasada ayaa la filayaa in xil wareejin ka dhacdo xarunta NISA halkaas oo agaasimaha cusub Cabdullaahi Sanbaloolshe uu xilka kula wareegi doono.

HORSEEDMEDIA