Diiwaan gelinta cod bixiyayaasha gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu oo laga daah-furay Magalaada Bosaso

Published: January 5, 2023

Magalaada Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta laga daah-furay is-diiwaan gelinta cod bixiyayaasha doorashada goleyaasha degaanka ee gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Musaabada Furitaanka waxaa ka qeyb galay Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, Guddoonka TPEC, Madaxda qaar kamid ah Ururuada Siyaadda, Maamulka gobolka Bari iyo kan degmadda Bosaso.

Gudoomiyaha TPEC Cabdirisaaq Axmed ayaa Ururada ka soo horjeeda doorashada ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan is-diiwaan gelin, isagoo sidoo kale sheegay inay TPEC dhex-dhexaad tahay.

Madaxwewynaha Puntland oo lagu waday inuu daah-furo is-diiwaangelinta doorashada ee ee gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu ayaa ka baaqday inuu soo gaaro Bosaso.

Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa oo iska diiwaan-geliyay daah-gurey, isagoona ka codayn doonaa Bosaso.

Horseed Media