Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo laga daah-furay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Published: February 28, 2023
Shares64

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta laga daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland.

Masuuliyiin katirsan Xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa ka qeyb galay daah-furka diiwaangelinta.

Dad weynaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa iska-diiwaangeliyay seejeeyinka ay diiwaan gelintu ka socoto.

Diiwaan codbixiyayaasha oo weli khilaaf ka taagan yahay waxa ay ku harsan tahay Gobolkan Mudug ee saaka laga bilaabay iyo gobolka Sool oo ay socdaan dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.