Diiwaan-gelinta Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Bilaamatey

Published: January 26, 2017

Waxaa maanta oo Khamiis ah si toos ah u bilowdey diiwaangelinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya oo dhacaysa 8 Febaraayo 2017.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo horey u soo noqdey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa noqdey musharixii u horeeyey ee magiciisa diiwaan geliya.

Musharixiin badan ayaa dib isu dhigaya tan iyo maalmaha u danbeeya iyada oo la sheegaayo in khudbadaha ay u jeedin doonaan Baarlamaanka sida ay diiwaan gelinta ugu kala horeeyeen iyada oo midkastaa doonaayo in uu noqdo kan u danbeeya.

Musharixiinta ayaa laga doonayaa in ay bixiyaan lacag dhan 30.000USD, sidoo kale waxaa laga doonayaa in ay keenaan 20 Xildhibaan saxiixooda kuwaas oo taageersan musharaxnimadiisa, Xildhibaan kastana waxa uu saxiixiisa siin karaa ugu badnaan laba musharax.

Diiwaan gelinta ayaa ku eg maalinta Axadda ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *