Dil aad u foolxun oo ka dhacay Gaalkacyo iyo sababta dilka?

Published: February 15, 2024

Shan nin oo hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku diley nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabo Axmed Tahliil Xaaj Adam.

Axmed Tahliil Xaaji Aadam (AUN)

Kooxda dilka geysatey ayaa ganacsadaha ku diley meheradiisi ganacsiga, kadibna banaanka ayey u soo jideen meydkiisi iyaga oo doonaya in ay ku qaataan gaari Probox ah oo ay wateen, laakiin markii danbe banaanka ayey uga tageen.

Sababta dilka ayaa la sheegay in ay la xiriirto arrimo qoys iyo wiil la isku haysto cidda dhashey. Kooxda dilka geysatey waxaa kamid ahaa nin ay wiil isku haysteen ninka dhintey walaalkiis. Kiiskan ayaa ahaa mid muddo socdey laakiin aan lagu kala bixin hidda sidaha DNA, waxaana Wiilka markii danbe la geeyey mid kamid ah dalalka Afrika.

Ninka dilka geystey ayaa sheegaya in naag uu furey oo uurleh uu guursadey, ninka la diley walaalkiis, laakiin ilmaha ay naagtu ku qortey ninka danbe ee ay guursatey kaas oo aan dalka joogin hadda.

Waxaa la is weydiinayaa sababta Axmed tahliil loo diley maadaama aanu ahayn ninka ay ilmaha isku haysteen ee keliya uu la dhashey ninka kale ee ay ilmaha isku haystaan.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Cali Sheekh oo ay isku jifi ahaayeen kooxda dilka geystey ayaa ku baxey, waxaana wararku sheegayaan in ay isku hor fadhiyaan meel magaalada ka baxsan, welina gacanta laguma soo dhigin eedaysanayaasha.

Horseed Media