Dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda

Published: September 7, 2022

Dilal qorsheysan ayaa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedka, kuwaas oo loo geystay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay Liibaan Maxamuud Warsame (Liibaan Xaabsey) ku dilay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag, xilli marxuumka la sheegay in hoygiisa uu sii gelayay.

Marxuumka ayaa goobta ugu geeriyooday dhowr xabadood oo dableydaasi ay kaga dhufatay qaybaha kore ee jirkiisa, iyadoona ay dembiileyaasha ka baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aanay ciidamada amnigu gaarin.

Liibaan Maxamuud Warsame ayaa la dhashay Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey).

Wararka ayaa sheegaya in Liibaan Xaabsey uu hadda ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Sidoo kale waxaa dil kale isna loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaano Macaani oo ka tirsan deegaankaasi.

Askariga la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Daahir Jareer, wuxuuna deganaa isla deegaanka Garasbaaley oo maanta lagu khaarijiyey.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilalka qorsheysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *