Dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho

Published: March 9, 2017

Habeenkii xalay waxaa degmada Yaaqshiid gaar ahaan Isgoyska Sanca lagu diley masuul ka tirsanaa gobolka Banaadir.

Ninka la diley ayaa lagu magacaabaa Xasan Maxamuud Taakow waxaana u ka tirsanaa maamulka Yaaqshiid. Kuwii diley masuulkan ayaa si nabad ah uga tegey goobtii ay dilka ka geysteen, sida ay Horseed Media u sheegeen qaar kamid ah ehelkiisi.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa si lamid ah dilkaas qorsheysan loogu diley Cabdullaahi Kabaweyne xaafadda Ceelsha. Kabaweyne ayaa kamid ahaa ergooyinkii doorashada ka qaybqaatey ee Galmudug degmada Cadaado.

Odoyaasha iyo ergooyinki ka qayb-qaatey doorashooyinii aqalka hoose ayaa ah kuwo weli lagu bartilmaameedsanayo koonfurta Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatey labada dil ee ka dhacay Muqdisho 12 saac ee u danbeeyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *