Dowlada Israel ayaa shaacisay inay 17.10.2024 iska hor imaad ku dishay hogaamiyihii ururka Xamaas Yaxya Sinwar oo ay mudo sanad ah ku daba joogtay. Dilkaas ayaa wuxuu noqday weerarkii labaad oo ay Israel ku guuleysato inay ku beegsato hogaamiyihii ugu sareeyay ururka Xamaas mudo labo bilood gudaheeda ah.
Hogaamiyaha Israel Benjamin Netanjahu iyo ciidanka IDF ayay arintaan guul weyn u noqotay, iyagoo dhacdadaas kadib baaq hanbalyo iyo hanjabaad iskugu jira hawada u mariyay labo koox; waxey marka hore hanbalyo udireen shacabka Israel oo ay ugu bishaareeyeen inay dileen shaqsigii lahaa fikirkii lagu soo weeraray dalka Israel 7:dii Oktoobar sanadkii hore 2023:kii.
Weerarkaas oo ahaa kii ugu qaraarnaa ee loo geystay dowlada Israel oo gudaheeda laga fuliyo halkaas oo lagu dilay dad shacab ah oo ku dhaw 1200 oo qof laguna afduubtay maxaabiis kor udhaafeysa 200 oo qof. Waxey sidoo kale hanbalyo udireen saaxiibadooda dibedda gaar ahaan wadamada reer galbeedka oo iyagu garab istaag kala har lahayn umuujiyay dalka Israel si kululna ucaambeeryay weerarkaas loo geystay 7:dii Oktoobar.
Dhanka kale waxey Israel hanjabaad udirtay ururka Xamaas iyo shacabka Gaza, iyadoo Xamaas shuruud ugu dhigtay inay hubka dhigaan maxabiista ay qabteen soo sii daayaan, hadii ay xabbad joojin diyaar uyihiin hadii kalena ay dowlada Israel weerarka ay ku hayso sii wadi doonto.
Sidee lagu dilay Yahxa Sinwar
Weerarkii lagu dilay Yaxya Sinwar ayaa noqday mid si kadis ah u dhacay oo aan hore loo sii qorsheyn. Maalintii arbacada ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 16.10.2024:ka ayaa goob ay difaac kaga jireen ciidamada Xamaas ciidanka Israel ku weerareen dabaabaad mudo kadibna ay ku guuleysteen inay goobtaas ka saaraan oo ka qabsadaan dagaalyahanadii Xamaas ee meesha ka diriraayay.
Markii ay goobtaas gudaha u galeen ayay ciidamada Israel ka heleen saddex nin meydkood, mid kamid ahna ay u aqoonsadeen inuu yahay Yaxya Sinwar. Ugu danbeyn waxey ku xaqiijiyeen inuu isaga yahay dhacaanka DNA:ga iyo ilkihiisa sida ay sheegeen. Maadaama uu Yaxya Sinwar hore maxbuus ugu ahaa xabsiga dowlada Israel mudo dheer oo 22 sano ah, islamarkaasna lagu soo sii daayey maxaabiis isdhaafsasho dhexmartay Israel iyo Xamaas sanadkii 2011:kii.
Dacaayadii Yuhuudda oo fashilantay
Dhacdadii lagu dilay Yaxya Sinwar ayaa muujisay inaysan gebi ahaan waxba ka jirin wararkii ay hore suuqa ugaliyeen dowlada Israel oo lahaa in ninkaan uu ku dhuumaaleysanayo godad ka qodan dhulka hoostiisa (Underground Tunnels) oo ay marin ka dhigteen ururka Xamaas islamarkaasna uu isku hareereeyay maxaabiis iyo qaraxyo si uu madaxfurasho kaga dhigto.
Markalena waxey lahaayeen inuu ku dhex dhuumaleysanayo dadka shacabka dhexdooda isagoo xiran dharka dumarka iyo indhoshareer si aan loo aqoonsan oo uu ku baxsado. Labadaan warba waxey noqdeen wax kama jiraan.
Haseyeeshee dhacdadaan ayaa laga baran karaa in ururka Xamaas uusan ahayn urur howlagalkiisa laga hogaamiyo talis dhexe balse uu leeyahay dhawr talis iyo unugyo u kala qeybsan aagag kala duwan. Taasoo adkeyneysaa in hal meel laga burburiyo hogaankiisa sare.
Go’doonka Gaza iyo weerarkii Oktoobar
Shacabka Gaza ayaa ah kuwa go’doon adag kujiray mudo 15 sano ka badan, iyadoo suxufiyiinta madaxa banaan iyo hayadaha gargaarka ay Gaza ku tilmaameen xabsiga dunida ugu weyn ee dusha ka furan (Open Air Prison).
Halkee magacbixintaasu ka timi?
Go’doonka Gaza oo ah mid dhul, cir iyo badba leh wuxuu kasoo bilawday kadib markii doorashooyinkii baarlamaaka ee lagu qabtay Gaza sanadkii 2006:dii ay ku guuleysteen ururka Xamas, taasoo ay kaga gauleiter ururka Fatax gacan ku haynta iyo maamulka Gaza, taasoo ka careysiisay dowladaha Mareykanka, Israel iyo Masar oo iyaga ururka Fatax dababa ka riixaayey, iyagoo ka cararaya ururka Xamaas.
Israel iyo xukuumada Masar ayaa doorashadii ay Xamaas ku guuleysatay kadib bilaaalay inay cunaqabeynto saaraan hubka iyo badeecadaha kale duwan iyo waxwalba oo usocda shacabka Gaza ilaa ay gaartay in kaluumeysatada iyo beeraleyda wax soo saar cayiman loo jaangooyo, wixii intaas dhaafsanna ay kala wareegto dowlada Israel.
Arintaan ayaa ku kaliftay inay ururka Xamaas iyo shacabka Gaza ee la godoomiyay ay dhulka hoostiisa godad ay marin ka dhigtaan iyo kuwa ay ku baxsadaan ka qotaan. Taasoo iyadana keentay in dowlada Israel ay Gaza ku hareereyso darbi bir ah oo dhulka ka sarreeya 6 mitir, hoosna uqodan 8 mitir oo ku fadhiya dhul dhererkiisu dhan yahay 65 kilomitir ah. Islamarkaasna ah derbi ay ku xiran yihiin kaamirooyin iyo aalado casri ah oo wixii ag mara si (Automatic) ah rasaas ugu fura.
Colaada Gaza iyo khatarta dhaqaalaha dunida
Dagaalkan ka bilawday weerarkii ay Xamaas ka fulisay dalka Israel iyo falcelinta dalka Israel ayaa hada socda mudo sanad ka badan, waxaana uu ku faafay dalal kale sida dalka Lebanon oo xarun u ah ururka Xisbullaah oo ah xisbi gacansaar la leh ururka Xamaas oo ay taageerto dowlada Iran.
Ururka Xisbullaah ayaa gantaallo ku garaacayay dalka Israel siduu ubilawday dagaalka Gaza, iyagoo sheegay inaysan weerarka Israel joojineyn ilaa ay Israel joojiso dagaalka ay ku gumaadeyso shacabka Falastiin ee Gaza.
Dowlada Israel ayaa dhankeeda weeraro cirka ah iyo toos ku qaaday Koonfurta Lebanon iyadoo dishay hogaamiyihii ururka Xisbullaah mudada dheer haystay ee Xasan Nasrullaah iyo hogaamiyihii booskiisa lagu bedeli lahaa.
Taasoo keentay inay dowlada Iran ay labo jeer hawada ka weerartay dalka Israel, iyadoo ka jawaabeyso weerarada ay Israel ku dishay hogaanka Xisbullaah iyo Xamaas oo kamid ah xoogaga ay Iran taageerto ee iska caabinta kula jira dowlada Israel.
Weerarkii cirka ay Iran ku qaaday dowlada Israel 1.10.2024:kii ayaa ahaa mid xoogan oo khalkhal galiyay nidaamka gantaalada cirka looga hortago oo ay dowlada Israel caanka ku tahay (Iron Dome). Waxaana ka hortaga gantaalada dowlada Israel gacan ku siiyey dowladaha Mareykanka iyo Fransiiska, iyadoo la sheegay in gantaalada Iran ay riday ee labada boqol ku dhawaa ee dhawrka saac socday ay ka hortagooda Israel ugu kacday qarash lagu qiyaasay hal bilyan oo dollar, halka gantaalada ay Iran ugu kacday qarash lagu qiyaaso 18 milyan oo dollar.
Weerarkaan kadib Israel ayaa ku goodisay inay ciqaabi doonto dowlada Iran oo ay duqeyn doonto ceelasheeda shidaalka iyo warshadaheeda dhaliya awooda nukliyeerka. Iran ayaa dhankeeda iyadana ku goodineysa inay weerari doonto ceelasha shidaalka ee dalalka Bariga Dhexe ayna xiri doonto marinka biyaha Hormuz oo muhiim u ah dhaqaalaha aduunka. Dowladaha Khaliijka iyo Mareykanka ayaa ku qanciyay dowlada Israel inaysan talaabadaas qaadin si uusan qasaare weyn ugu imaan dhaqaalaha aduunka iyadoo hadii uu marinkaas xirmo la saadaaliyay in fuustada shidaalka ay gaari karto 300-400 $ meesha ay hada tahay 70$.
Sikastaba ha ahaatee dagaalka Gaza ayaan ilaa iyo hadeer natiijo fican laga gaarin in xabbad joojin laga sameeyo, waxaana muuqata inay sii adkaatay soo furashada maxabiista laga qabtay Israel maadaama aysan jirin cid ay hada wadaxaajood la sameyso dowlada Israel.
Waxaa khatar loogu jiraa dagaalka Gaza haduu sii daba dheeraado inay ka dhalato bur bur dhaqaale iyo amni oo dunida dhan saameeya oo isku bedeli kara dagaalkii sadexaad ee dunida gasho. Marka si xal waaro loo gaaro waxaa dowlado badan oo qaramada midoobay kamid ah arkaan inay muhiim tahay in la helo dowlad Falastiin ah oo madaxbannaan oo dunidu aqoonsan tahay si loo xaqiijiyo degenaashaha iyo xasiloonida dunida.
Qore: Hanad Boqor Cabdullaahi Boqor Musse: qoraa ka faalooda arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada waana bare wax ka dhiga iskoolada Finland.