Wax loo malaynaayo Drone ama gantaal ayaa ku dhacay meel ku dhaw degmada Taleex ee gobolka Sool.

Published: May 3, 2024

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka degmada Taleex, habeenkii xalay ee jumacada waxaa ku burburtey meel ku dhaw degmada qadiimiga ah ee Taleex wax loo malaynaayo diyaarad drone ah ama gantaal.

Degmada Taleex ayaa qiyaastii 120km uga beegan dhanka waqooyi magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dadka ayaa sheegaya in ay maqleen qarax kadibna dab ka kacay goobta ay ku soo dhacdey.

Subaxnimadii maanta oo Jimce ah ayaa la soo sawirey burburka waxa loo malaynaayo in ay tahay diyaaradaha loo yaqaan Drone, halka ay dhici karto in uu ahaa gantaal soo habaabey.

Lama garanaayo halka ay ka timid diyaaradda drone ka ah ama gantaalkan, waxaana dhici karta in uu ka yimid dhanka Yemen.

Maamulka SSC Khaatumo ee gobolka Sool ka taliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin, waxaana ay u baahan tahay dad aqoon u leh arrimaha caynkan oo kale ah in ay baaraan.

HORSEED MEDIA