Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Published: September 19, 2020

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa saaka ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa illaa afar qof.

Sii-hayaha wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay warbaahinta dowladda federaalka ayaa sheegay in diyaaradda oo ah mid xamuul ah cillad ku timid kaddib ay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho burburna uu kasoo gaaray qeybta hore kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo xayndaabka garoonka ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in diyaaradda ay la socdeen afar qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib, isagoo sheegay in ay soo badbaadiyeen saddex qof oo dhaawac uu soo gaaray, halka qofka kale oo weli noolna ay wadaan dadaallo lagu soo badbaadinayo.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dadka dhaawacu soo gaaray loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in muddo kooban hakad la geliyay shaqada garoonka si arrintaan looga jawaabo waxyar kaddibna dib loo furi doono adeegyada garoonka Aadan Cadde.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *