Diyaarad laga leeyahay Ukraine oo ku burburtay dalka Giriiga

Published: July 17, 2022

Diyaaradda oo ahayd kuwa xamuulka ayaa xalay ku burburtay meel u dhow Magaalada Kavala ee waqooyiga dalka Giriiga, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Antonov-12, isla-markaana ay maamusho shirkad fadhigeedu yahay dalka Ukraine ayaa ka soo duushay Serbia, iyadoona ay ku wajahneyd Jordan, markii ay dhaceysay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jug weyn, ka dibna ay arkayn dab ololaya, ayna sii xigeen qaraxyo socday in muddo ah.

Illaa hadda lama oga tirada dadka la socday diyaaradaasi iyo haddii ay jiraan dad ka badbaaday shilkaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaase sheegaya in laga yaabo in sideed qof ay saarneyd diyaaradda.

Telefishinka afka dowladda dalkaasi ku hadla ee ERT ayaa baahiyay in diyaaraddu siday shixnad dhan 12 tan.

Duuliyihii diyaaradda ayaa la sheegay inuu codsaday in si degdeg ahi ugu soo deggo garoonka diyaaradaha ee Kavala, sababo ku aaddan cilad dhanka matoorka awgeed, ha yeeshee uma suurteglin in uu diyaaradda ka soo dejiyo dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan.

Antonov-12 ayaa ah diyaaradihii uu samayn jiray Midowgii Soofiyeet.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *