Diyaarad Milateri oo Ku Burburtay Duleedka Muqdisho

Published: September 20, 2024

Diyaarad Helikobter oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan howlgalka Atmis ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa ku burburtay duleedka magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen saddex askari oo ka tirsan milateriga Ugandha ayaa ka soo duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxayna ku socotay garoonka milateriga ee Bali-doogle ee duleedka caasimada, dhammaan askartii saarnayd diyaarada ayaa ka badbaaday shilkaas.

Dowladda federaalka ee Somaliya iyo ciidamada ATMIS weli wax war kama soo saarin shilka diyaarada milteriga ee burburtay hase yeeshee wararka ka imaanay Muqdisho waxay sheegayaan in cilad farsamo oo motoorka diyaarada ah ay sababtay burburka diyaarada.

HORSEEDMEDIA