Diyaarad qaad sidday oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Caabudwaaq

Published: December 17, 2022
Shares2

Diyaarad sidday qaadka nooca loo taqaan miirooga ee dalka Kenya ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Diyaarada ayaa burburtay kadib markii ay taayarradu u bixi waayeen taas oo sababtay inay dhacdo.

Majirto wax qasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkaan diyaaradeed marka laga reebo burburka diyaaradan.

Shilkan diyaaradeed ayaa imnaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay degmada Caabudwaaq ka taagneyd khilaaf ka dhashay cidda keenaysa qaadka Kenya.

Horseed Media