Diyaarad rakaab oo ku burburtay harada Victoria ee dalka Tanzania

Published: November 6, 2022
Shares4

Diyaarad nooca rakaabka ah ayaa ku burburtay harada Victoria gaar ahaan gobolka Kagera ee dalka Tanzania.

Kooxaha dab damiska iyo booliska ayaa gaaray goobta si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Tanzania ee TBC 15 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa hadda balse lama oga inta rakaab ah ee la socotay diyaaradda Precision Air iyo haddii ay jiraan wax dhimasho ah.

Diyaaradan oo ka soo duushay magaalada caasimadda ah ee Dar es Salaam ayaa dooneysay in ay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Bukoba waxaana sababay inay dhacdo duufaano iyo roobab mahiigaan ah.

Horseed Media