Diyaarad Siday 100 Qof oo ku bur-burtay Dalka Kazakhstan

Published: December 27, 2019

Diyaaraddan oo sidday 100 Qof oo rakaab ah ayaa ku dhacday dhisme ku dhow Gegida diyaaradaha ee Almaty Airport oo ku yaalla Caasimadda Nur-Suldan ee dalkaasi Kasakstan ee bartamaha Qaarada Aasiya

Ugu yaraa 14 qof oo rakaab ah ayaa ku geeriyooday, 6o kalena dhaawacyo ayaa kas oo gaaray shilka.Diyaaradan ayaa ahayd nooca Foker 100,Suxufi u shaqeeya wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay inuu arkay qiic uuro madow ah oo isku shareeray cirka.

Dhinaca kale, Waxaa soo baxaya warar iskhilaafsan oo sheegaya in tirada dhimashada ee shilka diyaaradood uu ka badan yahay 15 qof, hase yeeshe wasaaradda arrimaha gudaha waxay xaqiijisay in dadka dhintay uu ku jiro Kabtankii diyaarada iyo 14 qof oo rakaabkii saarnaa diyaaradda

Ilaa 20 qof oo bad qaba ayaa laga soo badbaadiyay burburka diyaarada, Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay goobaha caafimaadka

Madaxweynaha Dalka Kazakhstan, Qasym-Jomart Toqayev, ayaa tacsi u diray Dadka ku waxyeelloobay shilkaasi Diyaaradeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *