Diyaarad siday gargaar oo laga hor istaagay inay ka degto degmada Baardheere

Published: April 6, 2023
Shares10

Diyaarad siday gargaar raashin ah oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhawaan ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa la sheegay in Maaanta loo diiday inay ka degto degmadaas.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa si adag u cambaareeyay in diyaaradan laga hor istaago degmada Baardheere.

Wasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere ay diideen in marnaba degmada aysan imaan Karin gurmad ka yimaada dhinaca Maamulka Jubbaland.

Dhowr jeer oo hore waxaa degaannada iyo degmooyinka Jubbaland loo diiday inay tagaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Horseed Media