Diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine ay duqeysay kayd shidaal ee Ruushka.
Xaalad deg deg ah ayaa lagu soo rogay magaalada Engels ee dalka Ruushka, gudoomiyaha gobolka Saratov ee deegaanka ayaa sheegay maanta oo Arbaca ah, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine ay duqeysay kayd shidaal oo u adeega diyaaradaha Nukliyeerka ee Ruushka.
War qoraal ah oo lagu daabacay Telegram, gudoomiyaha gobolka Roman Busargin waxa uu ku sheegay in laba askar dab damis ah ku dhinteen iyaga oo la tacaalaya dabka.
Ukraine ayaa weerar habeen hore ka fulisay gudaha Ruushka oo dab qabadsiisay bakhaar shidaal oo ku yaal magaalada Engels oo u adeegta saldhigga cirka ee diyaaradaha Nukliyeerka ee Ruushka, sida uu sheegay milatariga Ukraine Arbacadii.
Horseed Media