Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystey duleedka Buur-dhuubo

Published: February 29, 2012

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa maanta duqeymo ka geystey duleedka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Diyaaradahan oo ridey 3-gantaal ayaa bartilmaameedkoodu ahaa fariisimo la sheegay in Shabaabku ay duleedka degmadaas ku leeyihiin.

Rasaasta cul culus ee ka dhacda qoryaha lidka diyaarada ah ayaa lagu soo waramayaa in diyaaradahaas lagu ridey waxyar kadib markii ay duqeynta geysteen.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta DKG ah ee la socda ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ku sugan ayaa sheegay in duqeyntaas uu Al-shabaab-ka khasaare kasoo gaarey.

Waxaana DKG ahi ay sheegtay in khasaaraha duqeyntaas ka dhashay uu yahay dhimashada 18-dagaalyahan iyo hal gaari oo Al-shabaab laga gubey.

Ma jiro wax war ah oo arintan ku aadan oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab, waxaase jira warar madax banaan oo sheegaya in goobta la duqeeyey ay ahayd meel ay dad rayid ahi ku dhaqan yihiin.

Degmada Buurdhuubo oo qiyaastii 45km u jirta magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxaa todobaadyadii u danbeeyey ka dhacayey dagaalo u dhexeeya ciidamada DKG iyo kuwa keenya oo iskaashanaya iyo Al-shabaab.

Waxaana goobta maanta la duqeeyey ay qiyaastii dhowr Km dhinaca galbeedka kaga beegan tahay Buurdhuubo oo ah magaalo ay Shabaabku ka arimiyaan.

 

Horseed Media