Diyaarado dagaal oo duqeyn mar kale ka geystay gobolka Shabeellaha Dhexe

Published: October 25, 2022

Howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ayaa weli ka socda degaanno katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Howlgalla oo ay wadaan Ciidmada Dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya waxaa si gaar ah hadda uga socdaa tuulooyinka u dhow degaanka Masaajid Cali Gaduud.

Diyaarado dagaal oo ay leedahay Turkiga ayaa duqeeyay gaari la sheegay inay la socdeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Gaariga oo noociisu ahaa Hoomey (Bus) ayaa marayay Agagaarka degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna Saraakiil Ciidamada xoogga sheegeen in duqeynta lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa wada howlagaladii ugu dambeeyey ee ay kula wareegayaan degaanka Masjid Cali Gaduud oo kamid ah goobaha ay ku xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Horseed Media