DKG ah oo taageertay go’aamada kasoo baxay shirkii London [War-saxaafadeed]

Published: February 24, 2012

Warsaxaafadeed 24/2/2012

 

Xukumadda Soomaaliya oo soo Dhaweysay natiijooyinka Shirka London(Muqdisho, Febraayo 24, 2012) Xukuumadda Soomaaliya waxay si qalbifuran kusoo dhaweneysaa mirihii shirkii Londan ee shalay halkaasi lagusoo gabagabbeeyay.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya MudaneC/qaadir Xuseen Maxamed oo shirka ka qeyb galay ayaa waxaa uu yiri”Waxaan u aragnaa talooyinkii iyo natiijooyinka Shirka London guulweyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaansidoo kalana waxay guul u tahay xukuumadda Soomaaliya”Wasiirka ayaa intaa ku daray “Beesha Caalamka dhamaanteed waxay umidowday sidii ay u garab istaagi lahayd shacabka Soomaaliyeed iyosidii xal waara looga gaari lahaa dhamaan mashaakilka haysta”

Wasiiirka isagoo ka hadlayay sida ay u arkaan Beesha calamka guulahaay gaartay Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu yiri “Dhamaan madaxdii iyodowladihii ka soo qeyb galay shirka waxay bogaadiyeen, hambalyana udireen, Xukuumada Soomaaliya horumarkii ay gaartay mudadii la soodhaafay, gaar ahaan jabka xooggan ee la gaarsiiyay DhaqdhaqaaqaAl-shabab ee xag jirka ah oo dhawaan ku biiray Al-Qaacida.

Wasiirka isagoo ka jawaabayay Su`aal ahayd, sideed u aragtaa BeeshaCaalamka oo aragtidooda ku mideeyay shirka London iyo saameynta ayyeelan karto ayuu yiri “Arinkaan waxay fursad weyn u tahay shacabkaSoomaaliyeed iyo xukuumadda, midnimada beesha caalamkana waxaa sal uah guulaha la taaban karo ee xukuumadda Soomaaliya ay ka gaartay dib uheshiisiinta, siyaasada, ammaanka iyo sidoo kale fulintii TilmaamahaJidka (Road map-ka)”
Dhamaad

 

Horseed Media