DKG oo sheegtay inay wadahadal la fureyso Somaliland

Published: February 27, 2012

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu mudo dhowr beri ah ka maqnaa ayaa ka hadlay wada hadal dhex mara dowladiisa iyo maamulka Somaliland.

Mudane Shiriif Sh. Axmed oo shalay markii uu garoonka Muqdisho kasoo degey isla gudaha garoonka Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan wadahadal dhex mara DKG iyo Somaliland.

Madaxweynuhu wuux sheegay in ka qaybgalka Somaliland ee shirkii London ay ahayd fursad weyn oo ku aadan sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib mar kale ugu midoobi lahayd.

Wuxuun intaas ku daray in intii London la joogey aysan suurtagal noqon inay si gaar ah ula kulmaan madaxda Somaliland wakhtiga oo aad gabaabsi u ahaa aawadiis haseyeeshee ay qorsheynayaan sidii ay wada hadal ula furi lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii sheegay in madaxda Somaliland ay shirkii London ka jeediyeen hadalo wax ku ool ah ayna muujiyeen sida ay muhiim u tahay midnimadu.

23-dii bishan aynu ku jirno ee Feb ayey ahayd markii ugu horeysey ee ay in mudo ah Somaliland kasoo qayb gasho shir loo qabtay dhinacyada Soomaalida arintaas oo ay dadku siyaabo kala duwna uga hadleen.

Waxaana maamulka Somaliland uu sheegay inuu yahay Jamhuuriyad madax banaan oo ka go’day Soomaaliya inteeda kale inkastoo weli aysan helin aqoonsi caalami oo arintaas ku aadan.

 

Horseed Media