Dood cilmiyeed aqoonyahanka Soomaalidu soo qaban qaabiyeen oo dalka Yemen ka dhacday

Published: February 27, 2012

Magaalada Mukallah ee dalka Yemen waxaa lagu soo gaba gabeeyey dood cilmiyeed mudo 2-maalmood ah socotey taasoo looga hadlay arimo dhowr ah oo dalka Soomaaliya khuseeya.

Dooddan oo ahayd mid diini ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta qaar kamid ah Jaamacadaha culuumta shareecada lagu darso ee dalka Yemen.

Dowradan oo ay dad boqolaal gaaraya oo Soomaali iyo Ajenbi isugu jiraa kasoo qayb galeen ayaa ka dhacday Jaamacadda Axqaaf ee gobolka Xadra-mowt oo ku yaal koonfurta dallka Yemen.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee doodaas lagu gorfeeyeyna waxaa kamid ahaa sidii ay aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dibadda wax ku bartay aqoontooda dalka ugula noqon lahaayeen.

Sidoo kale waxaa arimihii dood cilmiyeedkaas diiniga ah lagu jeex jeexay ku jirey gaalaysiinta dadka oo mudooyinkii u danbeeyey ahaa mid dalka Soomaaliya kusoo badanayey.

Culimadii dood cilmiyeedkaas diiniga ah ka qayb qaatay ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay il gaar ah ku eegaan waxbarashada u badkooda si aan loo marin habaabin.

Waa dowradii ugu horeysey ee nooceeda ah ee in mudo ah ka dhacda dalka Yemen oo ay wax ka bartaan arday badan oo Soomaali ah kuwaas oo intooda badan dhigta Jaamacadaha Islaamiga ah ee dalkaas.

 

Horseed Media