Dood cilmiyeed looga hadlayey xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo Bosaso lagu qabtay-Sawiro

Published: March 9, 2017

Dood cilmiyeedkan ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Bosaso, waxaana si wada jir u soo qaban-qaabiyey xarunta cilmi baarista geeska Afrika iyo xarunta cilmi baarista ee jaamacadda Bariga Afrika.

Dood cilmiyeedka ayaa intiisa badan looga hadlay caqabaha iyo fursadaha ay heysato dowladda cusub ee Soomaaliya.

Waxaa ka soo qeyb galay dood cilmiyeedkaasi mas’uuliyiinta laba xarun, aqoonyahano, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay dood cilmiyeedka.

Maxamad Khaalid oo ah madaxa xarunta cilmi baarista ee jaamacadda Bariga Afrika oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in dood cilmiyeedkan uu yahay mid furan oo looga hadlayo xukuumadda csub ee Soomaaliya.

…Waxaa laga yabaa in la is weydiiyo maxaa iska galay waxbarashada iyo siyaasadda, qeyb badan oo ka tirsan xukuumadaha bulshada qeybta ka ah waa dadkii aqoonta lahaa, marka aqoonyahanka in uu siyaasadada ka muuqda waa arrin muhiim ah ayuu yiri Maxamad Khaalid.

liibaan Axmad Shire madaxa xarunta cilmi baarista ee geeska Afrika kana faalooda arrimaha siyaadda ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey xukuumadda loo baahan yahay in uu dalka helo.

…Xukuumad la iskama dhiso oo u jeedo loo dhiso ayaa jirta, xaladda wadankeenu uu ku jiro waa xaalad adag, waa in la helaa xukuumad ka turjumaysa xaaladaasi ayuu yiri Liibana Axmad Shire.

Prof.Axmad Barre oo ugu dambeen madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay in ay la timaado nidaam maaliyadeed oo xoogan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *