Dood Ka Taagan kuraasta Barlamaanka ee laga wareejinayo deegaan doorashadooda

Published: June 30, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta,ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ay  lumaan kuraastaasi.

“Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taas oo ah in kuraastoodii goalaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin inay saxaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan guddoonka golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *