Soomaalidu waa qawmiyad kamid ah bulshada Kenya waxaana ay degaan gobolada Waqooyi Bari ee Kenya, waxaana ay dhaqaale xooggan ku leeyihiin caasimadda naorobi iyo weliba goolada xeebaha.
Waxaa muddooyinkii danbe warbaahinta baraha bulshada iyo weliba qaybo kamid ah warbaahinta tooska ah waxaa ka bilowdey dood looga soo horjeedo saameynta qawmiyadda Soomaalida Kenya ay dalkaas ku yeelatey.
Dooda Soomaalida Kiinyaanka ah looga soo horjeedo waxaa qayb weyn ka qaadanaya ninka lagu magacaabo Francis Gaitho, oo ah siyaasi iyo weriye Isboorti, waxaana uu bilaabey in uu Soomaalida u isticmaalo erayga “Somali Oligarchs” isaga oo doonaya in uu indhaha dadka kale ee Kiinyaanka ah ku soo jeediyo.
Udub-dhexaadka dooda qawmiyadda Soomaalida ee Kenya looga soo horjeedo ayaa salka ku haysa laba arrimo:
- Saameynta iyo xilalka waaweyn ee ay ka hayaan xukuumadda madaxweyne William Ruto
- Saameynta dhaqaalaha dalkaas ay ku yeesheen.
Francis Gaitho wuxuu ka soo jeedaa qawmiyadda Kikuyu, oo ah mid ka mid ah qabiilada waaweyn ee Kenya. Kikuyu waa qabiilka ugu tirada badan dalka Kenya, waxayna door muhiim ah ka ciyaareen dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaa bulshada. Waxaa xusid mudan in hadallada ama aragtiyada ay dadku dhiibtaan, sida kuwa Gaitho, aysan had iyo jeer matalin aragtida qabiilka oo dhan; badanaa waa fikradaha ama mowqifyada qofka shakhsiga ah.
Erayga “Somali Oligarchs” ee uu adeegsaday Francis Gaitho ayaa ah mid muran badan dhaliyay, waxaana uu u muuqdaa mid ka dhashay dhaleecayn uu u jeediyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya oo ku aadan horumarka dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Ganacsato badan oo Kenyan ah kana soo jeeda qawmiyadda Soomaalida ayaa miisaan dhaqaale oo muuqda ku leh Kenya, gaar ahaan qaybaha ay ka midka yihiin hantida ma-guurtada ah, bangiyada, saadka, iyo isgaarsiinta. Gaitho waxaa laga yaabaa inuu isticmaalay “oligarchs” si uu u soo jeediyo in koox yar, oo hodan ah ay saameyn ku yeelanayso Ruuto, isaga oo iska indha tiraya in Soomaalidu ay yihiin kuwo isaga la xuquuq ah degana gobolada waaweyn.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, gaar ahaan gobollada sida Waqooyi-bari Kenya iyo magaalooyinka waaweyn sida Nayroobi, ayaa si isa soo taraysa uga qayb-qaatay hannaanka siyaasadda. Qaarkood waxay qabtaan jagooyin saamayn ku leh dawladda, kuwaas oo laga yaabo inay dadka dhaleeceeyaan u arkaan inay tahay mid awoodda xoojinaysa.
Luuqadda Gaitho iyo kooxda kacdoonka bilowdey waxa laga yaabaa inay ka tarjumayso xiisado ballaaran ama fikrado laga aaminsan yahay qawmiyadda Soomaalida ee Kenya. Oraahda caynkaas ahi waxay sii xumayn kartaa kala qaybsanaanta qowmiyadaha, gaar ahaan marka lala xiriiriyo eedaymaha eexda ama qaybsiga kheyraadka ee aan sinnayn.
Ololaha laga bilaabey baraha bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta ee looga soo horjeedo qawmiyadda Soomaalida ee Kenya ayaa xoogga lagu saarey in Soomaalidu ay la wareegeen siyaasaddii dalka, saameyn weyn ay ku yeesheen madaxweynaha dalkaas William Ruutu. Kooxdan ayaa si gaar ah uga caraysan xilalka ay dowladda ka hayaan siyaasiyiinta ka soo jeeda qawmiyadda Soomaalida, sida xilalka ay hayaan Nuuradiin, Noor Gaabow, Aadan Barre iyo Amin.
Marka laga yimado qawmiyadda Soomaalida ee u dhashey dalka Kenya, waxa Kenya maal-gashtey Soomaalida kale kuwaas oo geliyey boqolaal milyan gaar ahaan Real State iyo ganacsiyada kale iyaga oo ka faa’ideysanaya suuqa xorta ah ee Kenya, waxaana ay kor u qaadey dhaqaalaha Kenya.
Fikradaha xagjirnimada ah ee lagu faafinaayo baraha bulsada ee looga soo horjeedo hormarka Kenya ee ay horseedka ka tahay qawmiyadda Soomaalidu ayaa keeni kara burbur dhaqaale iyo mid bulsho.