Dooni ay saarnaayeen Masuuliyiin ka tirsan Hir-shabeele oo la la’a yahay.

Published: October 28, 2019
FATAHAADA WEBIGGA SHABEELE BELEDWAYNE

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Magaalada Beledwayne waxaa rogmatay dooni ay saarnaayeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-shabeele oo ay ka mid yihiin Duqa Magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax iyo dad kale oo u kala safrayay xaafadaha ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabeele.

Duqa magaalada iyo Guddoomiyihii hore ayaa la sheegay inay bad-qabaan, waxaana qaar ka mid ah dadkii ay doonta la qalibantay ay koreen guryaha iyo geedaha dushooda, dadka ilaa hadda la la’yahay ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweyne Waare iyo Ciidamo Ilaalo ahaa oo doonta wax ka saarnaa

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *