Doorashada 3dii kursi ee ku harsanaa Hir-Shabeelle oo Jowhar ka dhaceysa

Published: April 30, 2022

Magaalada Jowhar ee caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada saddexda kursi ee ku harsan Dowlad goboleedkaas.

Kuraasta lagu dooranayo magaalada Jowhar ayaa kala ah: HOP#135, HOP#141 & HOP#146.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle oo shaaciyay doorashada kuraastaan ayaa diyaariyay Doorasho si xor iyo xalaal ah u dhacdo oo ay ku tartamaan musharixiinta isu diiwaangelisay.

Kuraasta Doorashadoodu maanta lagu qabanayo waxaa kamid ah HOP#135 oo ay ku fadhisay AHUN Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne 23kii Maarso 2022.

Kurisiga HOP#135 oo deegaan-doorashadiisu tahay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loo wareejiyay Jowhar oo ah Caasimadda DG Hir-Shabeelle si loogu daro labada kursi ee lagu wado in la doorto.

Kurisiga HOP#141: Wasiir hore ee Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku fadhiya.

Kurisiga HOP#146: Waxaa ku fadhiya Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.

DG Hir-Shabeelle ayaa noqonaya Dowlad-goboleedkii ugu dambeeyay ee soo gebgabeeya dooraashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *