Senetaradii ugu dambeeyay Aqalka oo lagu doortay Dhuusomareeb

Published: November 13, 2021

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta doortay Senetaradii ugu dambeeyay Aqalka Sare kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Kuraasta la dooranayay oo ka koobnaa labo kursi ayaa waxa ay Xildhibaanadu u kala doorteen Sanetor Cabdi Xasan Cawale (Qeybdiid) iyo Sanetor Cabdi Cismaan Xareed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa cod gacan taag ah oo wada ogol ah ugu codeeyay labadan Senetar.

Labadan kursi ee lagu doortay Dhuusomareeb ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo dhameystiray doorashada 52 kursi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *