Doorashada Gudoonka Aqalka sare oo maanta dhaceysa

Published: April 26, 2022

Senatarada Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad JFS ayaa maanta lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ku doortaanGuddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad iyo labadiisa kuxigeen.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa siweyn u adkeeyay Amniga, iyaga oo xiray dhamaan waddooyinka gala & kuwa kasoo baxa Afisiyooni, iyaga oo u diidaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan meelaha qaarna dadka inay lugeeyaan aan la ogoleyn.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare BFS Senataro Aadan Cabdinaasir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan diyaar ay u yihiin qabashada doorashadaan si aqalkaan uu yeesho Guddoon rasmi ah.

Xarunta lagu dooranayo Guddoonka Golaha Aqalka oo ay tageen xubno katirsan Guddiga Aqalkaas u qaabilsan qabsoomidda Doorashadaan ayaa la kulmay saraakiisha amniga mas’uulka ka ah iyo xubnaha Farsamada ee doorashada kala shaqeynaya.

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa ka dhigeysa in billooyin kaddib uu aqalkaas yeelanayo Guddoon rasmi ah si uu u billaabo kulamada iyo howlaha horyaalla oo qaarkood qabyo u ahaa Baarlamaankii 10aad ee JFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *