Doorashada kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo ka dhacaysa Magaalada kismaayo-Dhegayso

Published: February 14, 2018

Magalaada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorasho kursi ka bannanaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursiga lagu Tartamayo ayaa horey waxa uga geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabaas Siraaji.

Magalaada Kismaayo waxaa gaaray wafdi ballaaran oo ay hogaaminayso guddoomiyaha guddiga Doorashada Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo shaacisay in Doorashada kursi ka bannaan Golaha Shacabka ay ka dhacayso Kismaayo 15-02-2018.

Musharaxiinta u Tartamaya kursiga ayaa ku sugan Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegayaa in Musharaxiintaasi uu ka mid yahay Maxamuud Siraaji oo la dhashay Marxuum Cabaas Siraaji.

Sidoo kale Magalaada kismaayo waxa ku sugan ergada Dooranaysa Musharaxiinta.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *