Doorashada kursi ka mid ah Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacday Jowhar

Published: January 28, 2018

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka HirShabeelle ayaa waxaa ka dhacday doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamayey siyaasiyiin caan ah , kuwaasi oo ahaa lix Musharax waxayna Musharaxiinta iska diiwaan geliyeen Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka,

Musharaxiinta ayaa sidoo kale buuxiyey shuruudihii looga baahnaa Doorashada.

Magacyada Musharaxiintii ku tartamaysay kursiga Xildhibaanimo ee ka bannaanaa Golaha shacabka ayaa kala ahaa.

Musharx Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe

Musharax Cali Cabdullaahi Cosoble

Mshurax Dahir Cabdulle Cawaale

Musharax Nuur Iidow Beyle

Musharax Dahabo Xasan Axmad

Musharax Xuseen Axmed Geelle

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliima Yarey ayaa akhrisay magacyada Musharaxiinta 6-da ah ee ku tartamayey Kursiga, waxaana ay ka mahad celisay kaalinta uu Maamulka HirSshabeelle ka qaatay fududeynta howsha.

Hoolka ay ka dhaceysa Doorashadawaxaa ku sugnaa 51 Ergo ee dooranayey lixda Musharax ee kursiga ku tartamaysay

Labo Musharx ayaa isugu soo haray Doorashada wareega labaad oo kala ajaa Musharax Nuur Iidow Beyle iyo Musharax Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe

Musharax Nuur Iidow Beyle ayaa ku guuleystay doorashada kursigii ka bannaanaa Golaha Shacabka, kaddib markii uu helay 27 cod, halka Musharax Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe uu helay 24.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Madaxa bannaan Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yarey ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashada,waxayna sheegtay in Nuur Iidow Beyle uu ku guuleystay.

Horseed Media 20198

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *