Doorashada maamulka degmada Carmo ee gobolka Bari oo maanta dhacaysa

Published: February 22, 2012

Mas`uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Booosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wefdiga gudoomiyaha oo ay ku jiraanmadax ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland ayaa ku wajahan degmada Carmo oo qiyaastii 100km dhinaca koonfurta magaalada Boosaaso kaga beegan.

Ujeedada socdaalka wefdigan ayaa ah sidii gole deegaan loogu samayn lahaa degmada Carmo oo kamid ah degmooyinka ugu weyn gobolka islarmarkaana ah magaalo si aad ah mudooyinkii u danbeeyey u dhisantay.

Dhismaha golaha deegaanka ee Carmo ayaa qayb ka ah dadaal uu maamulka gobolku ku doonayo sidii dhamaan degmooyinka gobolka loogu sameyn lahaa goleyaal deegaan oo si fiican u shaqeeya.

Waxaana dhowaan lagu guuleystey in maamul loo sameeyo degmooyinka Ufeyn iyo Qandala oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bari kuwaas oo horay aysan uga jirin maamullo si buuxda u qaban kara adeegyada dowladeed ee ay bulshooyinka deegaanadaas ku dhaqani u baahan yihiin.

Marka lagu guuleysto sameynta maamulka degmada Carmo waxaa sida uu Gudoomiyaha gobolku horay Horseed Media ugu sheegay la qorsheynayaa sidii goleyaal deegaan oo cusub looga hirgelin lahaa degmooyin kale oo ay kamid yihiin Isku-shuban, Caluula, Baargaal, iyo Gumbax.

Sawirada iyo khudbadaha ay mas`uuliyiintu ka jeediyaan doorashada golaha deegaanka ee Carmo oo maanta dhacaysa Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Horseed Media