Doorashada Madaxweynaha Iyo M/Kuxigeenka Puntland Oo Hadda Socota

Published: January 8, 2024

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ka ka bilaabatay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Puntland Cabdirizaq Axmed Siciid ayaa sheegay inta doorashada socota la joojiyay wax dhaq-dhaqaaq ah
11 musharrax oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya, Saciid Cabdullaahi Dani ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Puntland, iyadoo sidoo kale xilka madaxweyne kuxigeenka iyana ku tartamayaan 11-kale.
Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada meel kasta lagu arkayaa ciidanka amniga sugaya, iyadoo dadweynaha isku-socodkooda aad loo koobay.

Horseed Media