Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhacaysa 8 Febaraayo 2017

Published: January 25, 2017

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodi u horeeyey, waxaana ay iska dhex doorteen ugu horeyn guddoomyiaha guddiga iyo xubno qabta shaqooyinka farsamada.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle u doortey in uu noqdo guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha, isaga oo horey u noqdey Guddoomiyaha guddiga doorashsda shir-guddoonka golaha shacabka. Guddiga ayaa u doortey Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag in uu noqdo ku xigeen, waxaana uu ka tirsan yahay Aqalka sare ee Jamhuuriyadda.

Waxaa guddigu sameeyey labo guddi hoosaad oo kala ah, Guddiga Maaliyadda, Loojistikada iyo Amniga oo waxaana uu hoos imaanayaa Xil. Jawaahir Axmed Cilmi iyo Guddiga Diiwaangelinta Musharraxiinta Madaxweynaha waxaana uu hoos imaanayaa xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Jadwalka Doorashada

Diiwaangelinta Musharixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta maalmaha 26-29 Janaayo 2017.

Musharixiinta ayaa markii u horeysey loo qabanayaa barnaamij doodwadaag ah oo dhacaysa 31 Janaayo 2017, waxaana laga sii daynayaa Telefishanada Soomaalida, iyo baraha Bulshada si toos ah.

Khdubadaha iyo Barnaamijyada Msharixiinta Madaxweynaha ayaa dhacaysa 2-5 Febaraayo.

Ugu danbeyn maalinta 8 Febaraayo 2017 oo ku beegan Arbaca waxaa dhacaysa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya o muddo dheer la sugaayey.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa laga doonayaa in ay keenaan 20 Xildhibaan saxiixooda kuwaas o taageersan iyo 30.000USD in ay bixiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *