Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyey xiliga ay dhacayso- DHEGAYSO

Published: February 19, 2018

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adam ayaa manta soo xiray Kalfadhigii afaraad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdilqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in kalfadhgi maanta ay fadhidey ahayd 113 Xildhibaan, maantana la isku raacay in Xildhibaanadu ay soo dooran doonaan Madaxweynaha Koonfur galbeed oo dastuurka wax laga bedalay. Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in 17 bisha Nofeembar oo ahayd maalintii la asaasey Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa soo xirey kalfadhiga, waxaana uu sheegay in xaaladda Koonfur Galbeed ay soo hagaageyso, waxa uu dalbadey in jidadka xiran ama isu socodka magaalooyinka wax laga qabto, al-Shabaana laga saaro magaalooyinka ay weli ku sugan yihiin.

Maxamed Aadam Socdaal
Baydhabo, Koonfur Galbeed
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *