Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 oo mabda ahaan heshiis laga gaarey?

Published: July 6, 2020

Iyada oo maalmihii u danbeeyey ay cakirneyd xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay mugdi ku jirtey sida la yeelayo haddii muddada dastuuriga ah uu ka dhamaado goloyaasha Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya in uu jiro is afgarad guud oo laga gaarey nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, taas oo Horseed Media ogaatey in mabda’ ahaan la isugu waafaqsan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famraajo iyo goloyaasha baarlamaanka waxaa xiligii dastuurku siinaayey ka harsan 6 bilood oo kelya, waxaa aad u xumaa xriirka uu la lee yahay Dowlad goboleedyada dalka, waxa uu muddo badan ku celceliyey in dalka uu ku dhaqayo sharciga doorashooyinka oo dhigaya doorasho qof iyo cod ah, taas oo si weyn la isu weydiiyey mudada harsan sida uu ku hirgelin karo, waxaa taas dheer in uu albaabada ka xirtey cidkasta oo ay kala dhexeysey danaha siyaasadda ee geeddi socodka dowladnimada Soomaaliyeed ee aan weli si rasmi ah u taabbo gelin.

Maxay ahayd sababta shirkii Muqdisho ee 05 Luuliyo u baaqdey?

Waxay ahayd maalintii Axadda ee 05 Luuliyo, in Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, shirkan waxaa baajiyey, ballan ka bax la sheegay in Madaxweyne Famraajo ku sameeyey qaar kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada taas oo ku saabsaneyd, hakinta arrimaha doorashada ee Golaha shacabku sii watey iyo halka lagu qabanaayo shirka. Arrintaas waxay abuurtey in aan dib la isu aaminin oo qaar kmaid ah madaxda Dowlad goboleedyadu ayba diidaan in ay telefonka xitaa kula hadlaan Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xooggan saarey Madaxweyne Farmaajo, waxyaabaha cadaadiska weyn lagu saarey waxa kamid ah in aan caalamku ku taageryn qaabka uu doonaayo in uu doorasho u qabto taas oo aan heshiis lagu hayn waxaana loo sheegay in loo arko mar-marsiiyo (pretext) in xiligan uu sheegto qabanayo doorasho uu diyaar garoowgeeda ka gaabiyey, Dowladdiisa oo ku taagan taageerada beesha caalamka ayaa loo sheegay in aysan heleyn taageero haddii ay sharciyad beesho, isla markaana lagula xisaabtamayo cidkasta oo carqaladeysey geeddi socodka sida nabadda ah ku soo socdey 20 sano ee u danbeeyey, wixii ka dhashana masuuliyadeeda uu qaadayo.

Qodobada ka hor shirka maamul goboleedyada mabda’ ahaan la isla qaatey ayaa ah

  • In Golaha Shacabku hakiyo hindisaha Xaliima Yareey keentay ee muddo kordhinta ah.
  • In Doorashado noqoto mid Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalku isla oggol yihiin.

Nooca doorasho ee mabda’ ahaan la isla qaateey?

Nooca doorasho ee hadda miiska saaran ayaa ah in la qaato mid u dhaw tii 2016 ee loogu yeeri jirey doorasho dadban, tan ayaa lagu wadaa in loo bixiyo 2016+, waxaana ay uga duwanaan doontaa doorashadii hore

  • in hoos loo daadejiyo, kuraasta la geeyo degmooyinka iyo gobolada,
  • in dadka soo dooranaya Xildhibaanada tiro ahaan ay ka badnaandaan tii hore oo la gaarsiiyo 250 iyo ka badan,
  • in kuraasta Aqalka Sare loo soo doorto si lamid ah tan Aqalka hoose,

Doorashada cusub ayaa kala mid ahaaneysaa doorashadii 2016

  • in ergooyinka doorashada ka qaybgeleysa ay soo xulaan odoyaasha dhaqanka, Isimka guud ee ka mid ah 132 Isim uu saxiixo ergooyinka doorashada ka qaybgalaya.

Shirka Dhuusamareeb

Dowlad goboleedyada kala ah Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa ku ballansan shirka Dhuusamareeb, waxaana shirkaani hordhac u noqonayaa shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, shirkan ayaa la doonayaa in dowlad goboleedyadu marka hore wax isku soo waafaqaan.

Qodobada ugu adag ee Dowlad goboleedyadu shirka hordhaca ah uga hadlayaan ayaa ah.

  • Halka shirka lagu qabanaayo
  • Nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa
  • iyo metalaada Gobolka Banaadir

Qodobka saddexaad ee shirka Dowlad goboleedyada ayaa noqon doono kan ugu adag oo ay adag tahay in ay mowqif mideysan ka qaataan, waxaana ugu dhaw in ay qaataan soo jeedintii guddigii isku dhafka ahaa ee ah in Banaadir metalaad loo siiyo 8 Xildhibaan iyada oo loo marayo marka hore in dastuurka qodobkiisa 72 la furo, oo la sameeyo maqaamka Muqdisho kaas ka horeeya Metelaada, maadaama dowlad goboleed aysan ahayn.

Gebagebo

Ugu danbeyntii waxaa muuqata in meesha uu ka baxayo mugdigii ku daboolna halka loo dhqaaaqayo, sidoo kale waxaa meesha ka baxaya isku daygii Shirguddoonka Golaha Shacabka ee isu arkey in ay yeesheen awood aad u badan, iyaga oo isu arkey in ay yihiin iyaga keliya cidda nidaamka doorasho ee dalka ka talin karta, waxaana ay maalmihii u danbeeyey wadeen in ay meesha ka saaraan Xukuumada hadda jirta ee wakhtiga kooban u harey si loo soo dhiso Xukuumad cusub oo la jaanqaada muddo korosi ay samaystaan.

Waxaa la is weydiinayaa farsamo ahaa inta ay qaadan karto in doorasho lagu diyaariyo oo beesha caalamkuna taageerto, waxaana loo badinayaa in ay doorashadu dhici doono ka hor bisha ramadaan ee sanadka 2021.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

6 Comments

  1. Maxamed Cismaan, waxaad ka tagtay oodan kuba darsan qorshahaaaga iyo maqaalkaaga in madaxda maamul goboleedyadu ka mid yihiin hayada fulinta ee madaxweynaha dalku ugu sareeyo. Madaxda Maamul goboleedyadu waxay sharci ahaan hoos tagaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka. marka maaha niman go’aamin kara nooca doorashada mar haddii uu goloha Baarlamaanku sharciyo ansixiyey. haddii ay dhacdo iney sidaas dhahaan aad warbixinta ku qortay, waxaa been noqonaysa sareynta baarlamaanka. dawladnimona lagama hadlayee waxaa llaga hadlayaa daneystayaal warkood

  2. afkaaga caana lagu qabay mohamed cismaan dadku runta waa neceb yihiin lkn waxaa xaqiiq ah in dorasho hal dhinac wato eysan dalka ka dheceyn si kastoo loo mereysto ninka dhahaya dorasho qof iya cod ah ayaa dheceyso waa nin maalin cad riyoonaa marka riyada ka toos ayaan leenahay

  3. dadku runta waa neceb yihiin lkn run waxaa ah in dorasho aan heshiis lagu aheyn eysan dalka ka dhici karin ninka dhahayo qof iya cod ayaan qabanaa waa nin riyoonaa maalin cad marka riyada ka toos ayaan leenahay

  4. Madaxweyne Farmaajo wuxuu fahmi la yahay waxa loo dhiibay sida meesha looga dhiibay ay ku yimaadeen. Riyo khiyaali ah buu kujiraa.

  5. Doorashada somalia laga sugayo 2021 waa in ay ka duwanaataa tii hore waayo waxaa larabaa in horey loo socdo hadii loo arko xal in mudada la kordhiyo doorasho cod qof ahna laqabto wax ku jaban malahan. Waana muqadas in marwalba la dalka iyo dadka loo daneeyaa.

  6. Anigu waxan arkaa in putland & jubaland ay geem 70% in ka badan guushiisa la xaqiijiyey hada ciyaaristiisa bilaabeen, marka aan sidaas leeyahay waxan ula jeedaa farmaajo wxa gacanta ugu jira
    3 States iyaga ayaana majority ah oo
    3/5 ayaa isku raacday in go’aanka
    Golaha shacabka laga war dhoowro.
    Kaasoo ah soo jeedintii gudoomiyaha gudiga doorashooyinka xaliimo Ibrahim
    Xaliimo yaeery.