Doorashada USA: Joe Biden oo ku guuleystay gobalada muhiimka ah ee Wisconsin & Michigan

Published: November 5, 2020

Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka Joe Biden oo hada ku horeeya tirinta cododka ayaa ku guuleystay labada gobal ee Wisconsin iyo Michigan oo kamid ahaa gobaladii uu loolanka adag ka socday.

Natiijadan horudhaca ah ayaa ka dhigeysa inuu Biden helayo ergooyinka gobalada oo gaaraya 253, murashaxa hela 270 ayaa ku guuleysanaya xilka Madaxweynaha.

Donald Trump Madaxweynaha xilka haya oo walaac ka qaba qaabka ay tirinta cododka u socoto ayaa heysta illaa iyo hada heysta 213.

Trump ayaa cododka ku horeeyey saacadihii hore ee shalay markii tirinta cododka la bilaabay, taasi waxa sabab u ahaa in tirinta cododka laga bilaabo dadkii Salaasadii 3dii November codkooda si toos ah u dhiibtay oo u badnaa taageerayaasha Jamhuuriga, balse waxaa hada socota tirinta dadkii Boostada kusoo diray cododkooda kuwaasi oo u badan taageerayaasha Dimuquraadiga sidaa ayuu Donald Trump u diidan yahay in cododkaasi la tiriyo.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo cida ku guuleysatay cododka gobalada dhiman qaarkood kuwaasi oo muhiim u ah Biden sida gobalka Arizona, Nevada iyo Georgia oo ay weli dhiman yihiin tirinta cododka ka yimid degmooyinka ay ku badan yihiin Dimuquraadiga halkaasi oo u ka heli karo Joe Biden tirada yar ee uga hartay inuu helo 270.

Trump iyo kooxdiisa ayaa lagu wadaa inay bilaabaan dacwo maxkamadeed oo ay doonayaan in lagu laalo cododka ay diidan yihiin in la tiriyo qaar kamid ah gobalada uu loolanka adag ka dhacay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *