Xisbiga midigta fog ee “Sweden Democrats” oo guul weyn ka soo hoyey doorashadii Sweden

Published: September 12, 2022

Doorashadii ka dhacdey dalka Sweden maalintii Axadda ee 11 September ayaa ahayd mid si weyn ay natiijadu isugu dhaweyd. Labada isbahaysi ee midigta iyo bidixda ayaa haysta kuraas aad isugu dhaw.

Sweden Democrats

Isbahaysiga midigta ayaa ilaa hadda oo la tiriyey 94% codadka helay 175 Xildhibaan, halka Isbahaysiga bidixda ee ay hoggaamineyso raysal-wasaaraha hadda xilka fadhida Magdalena Andersson ay heleen 174 Xildhibaan.

Natiijada rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqayaa maalinta arbacada ah, kadib marka la iriyo muwaadiniinta dalka dibadiisa ku codeeyey, waxaana weli rajo aad u yar qaba isbahaysiga casaanka iyo cagaarka ee bidixda u janjeera.

Guusha Xisbiga midigta fog

Waxaan shaki ku jirin in xisbiga guusha ugu weyn ay habeenkii xalay raacdey uu yahay Sweden Democrats, oo ay ku badan yihiin xagjiriinta fog, SD ayaa noqdey xisbiga labaad ee ugu weyn dalka Sweden, waxaana uu dhaafey xisbiga Conservative-ka (Moderaterna). Xibiga Sweden Democrats ayaa kor u socdey 12 kii sano ee u danbeysey, sanadkii 2010 ayaa ugu horeysey ee ay Baarlamaanka soo galaan, waxaana ay heleen 5.7%, doorashadii ku xigtey ayey gaareen 13%, halka doorashadii saddexaad ee sanakdan 2022 ay heleen in ka badan 20%.

Khubarada taxliiliya siyaasadda Sweden ayaa arka in sida keliya ee Sweden Democrats lagu joojin karo ay tahay in ay xukuumadda soo galaan ama ay wax ka dhisaan, si kuwa u codeynayaa ay is arkaan, inta ayse fadhiyaan kuraasta mucaaradka kor ayey u soconayaan.

Waxay u badan tahay in Sweden ay ku timaado isbeddel dhanka maamulka ah oo Xibiyada midigtu ay soo dhisaan xukuumadda sida wax u muuqdaan. Haddii Isbahaysiga Midigtu soo dhiso xukuumadda waxaa Raysalwasaare noqonaaya Ulf Kristersson oo ah hoggaaniyaha xisbiga kaalinta saddexaad ku jira Moderaterna.

Soomaali badan ayaa tartanka galay waxaana la ogaan ugu danbeyn maalinta arbacada ah haddii ay jirto Soomaali-Iswidish guul ka gaartey doorashada

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *