Haweenka iyo doorka ay warbaahinta ku lee yihiin -DHEGAYSO

Published: March 8, 2017

Dunida oo dhan maanta waxaa laga xusayaa maalinta haweenka adduunka, iyadoo xaflado loogu tala galay in lagu dhiirri geliyo kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada lagu qabtay gobolada dalka iyo guud ahaan adduunka.

Sidaasi oo ay tahay waxaa jira dumar qabta hawlo aan haweenka looga baran, iyadoo dumarka Soomaalida ay iyaguna ka marnayn maanta oo ay maalintooda tahay.

Faaduma Yuusuf Siciid oo ku magac dheer Faaduma Taxadar ayaa ah gabar wariye ah, waxayna inta badan aad u isticmaashaa kaamerada wax lagu duubo waxna lagu sawiro, waana shaqo aysan gabdhaha saxafiyiinta ah ku badnayn.

Faduma Yusuf (Faduma Taxadar)Faaduma Taxadar xili ay la hadlaysay laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegtay in ay ku kalifay in ay noqoto kaamiro waman inay ahayd in ay ogaatay in ay xaq u leedahay in y wax sawirto.

…Kaalintii haweenka ee dhanka kaamirada aad ayey u yartahay, waana muhiim in haweenka la dhiiri geliyo si ay ugu deydaan ayey tiri Faadumo Taxadar.

Faadumo Taxadar ayaa ka mid ah saxafiyiinta ka howl gala gobolka Bari ee Puntland-Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *