Dowaldda Federaalka ah oo saddex diyaaradood oo gargaar ah keentey Qardho -VIDEO

Published: May 2, 2020

Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo wasiiro iyo xildhibaano ah ayaa maanta ka degey Puntland, iyaga oo wada saddex diyaradood oo gargaar ah.

Mucaawanada Dowladda federaalku soo dirtey ayaa isugu jirey Shalters ama teendhooyin, maacuun, Cunooyinka keydka gala ee qalalan, Daawooyin, Gogol, Hu, iyo agab kale oo ay wadeen saddex diyaaradood.

Wefdiga Dowaldda federaalka ayaa isugu jirey Wasiiro iyo Xildhibaano waxaana ay isla maanta gaareen degmada Qardho.

Wasiirka Qrosheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in ay Puntland u tageen in ay booqdaan oo soo arkaan khasaarihii ka dhacay Qardho oo ay qiimeyn ku soo sameeyaan kadibna kula noqdaan madaxda Dowladda federaalka si wax looga qabto.

Horseed Media ayaa heshey xog ku aadan booqashada Wefdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xassan, taas oo isugu jirta mid dhaw iyo mid mustaqbalka ah, midda dhaw ayaa ah in ay mucaawanada gaarsiiyaan dadka dhibaatadu soo gaartey, iyo sidii qiimeyn loo sameyn lahaa taas oo la xiriirta:

  • Dhismaha Daamam magaalada korkeeda ah, Sidii biyaha magaalada loo dhaafin lahaa ayna u gaari lahaayeen dhulka kale ee daaqsinka ah
  • Sidii wax looga qaban lahaa Suuqa magaalada Qardho ee ku yaala biyo mareen loona dhisi lahaa suuq cusub oo basaar ah
  • Iyo ugu danbeyntii sidii dib loogu eegi lahaa oo wax looga qaban lahaa town plan-ka degmada Qardho.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa dejisa qorshaha hormarined ee dalka. Booqashada Wefdiga wasiirada ah ee degmada Qardho ayaa la dhihi karaa waa fursad weyn oo degmada soo martey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan uga jawaabtey dhibaatadii ka dhacdey degmada Qardho, waxaana horey u bixisey $1 milyan oo dollarka maraykanka ah, iyada oo isla maanta ka soo dejisey Puntland diyaarado mucaawano sida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *