Dowlada Faransiiska oo bartilmaamsatay 76 Masaajid!

Published: December 4, 2020

Dowlada France oo dhawaan sheegtay inay soo rogtay sharuuc looga hortagayo waxay ugu yeertay Muslimiinta Gooni-u-goosadka ah, ayaa sheegay inay baaritaan ku sameenayaan 76 masjid oo ku yaal wadankaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Gerald Darmanin oo kamid ah Xagjirka Calmaaniyiinta ayaa wareysi uu siiyey Raadiyaha RTL ku sheegay in baaritaan lagu sameenayo Masaajidadan, lana eegayo tuhunada laga qabo goobahaasi, hadii lagu helo wax danbi ahna ay gebi ahaan xiri doonaan goobahaasi muslimiinta ku cibaadeystaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in 66 qof oo ku eedaysnaa xagjirnimo oo lagu hayey xabsiyada dalkaasi loo tarxiilay wadamadii ay kasoo jeedeen.

Wasiirkan ayaa sheegay in dalka France ay ku yaalaan in ka badan 2600 masaajid, balse 76da la baarayo lagu soo eedeeyey in lagu faafiyo fikir khatar ku ah amniga dalkaasi.

Bishii Oktoober ayuu Madaxweynaha dalkaasi Emmanuel Macron ku dhawaaqay sharciga cusub oo uu sheegay in looga hortagayo kooxaha gooni-ugooska ah ee Muslimiinta ah ee doonaya inay kala qeybiyaan shacabka, hadaladan & Qorshahan oo ay si weyn u cambaareeyeen muslimiinta dalkaasi ku nool iyo waliba dalalka Islaamka qaarkood.

Kadib weeraradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaasi ayey xukuumada Faransiiska dardar gelisay hawlgaladan ka dhanka ah Muslimiinta xili wadankaasi ay ka taagan yihiin xiisado badan oo salka ku haya cunsuriyada iyo xadgudubyada ay ku kacayaan ciidamada booliiska ee bartilmaamsada dadka laga tiro badan yahay.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *