Dowlada Federaalka oo Fududaynaysa Gogol Kale oo Loo Dhigay Beelihii ku diriray Mudug

Published: December 24, 2019

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka oo lagu qabtay Galkacayo waxaa laga soo saaray Qodobo lagu xoojinayo heshiiskii horey u dhex maray odayaasha Labada dhinac ee degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo

munaasibad lagu dhameystirayay heshiisyadii ay horey u gaareen beelaha walaalaha ah ee deeganada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug waxaa ka qaybgalay Taliyaha Qeybta 21aad ee Xogga Dalka Soomaaliya Generaal, Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay

Qodobada laga soo saaray Kulanka waxaa ka mid ahaa,

1.in la fuliyo dhamaan qodoba ku xusan heshiiska ay wadda Saxiixdeen Walalaha ay dhexmareen colaadda.

2-Gudigu wuxuu doortay Shir gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameys tirmaa
4-ta bari ah ee uu shirku socdo.

3- Dowladda Faderalka Somaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Gudiga isku dhafka ah si ay u dar dargaliyaan nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta beelaha walaalaha ah,
4- In wadda hadaladu Sii socdaan.
5- in wadahadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socoda.
6- In guddiga isku dhafka ah ee Odayaasha Labada Beelood gacan siiyaan Ciidanka Xooga DS si ay u fuliyeen heshiisyadda Nabadeed.
7- in Odaygii uHogaansami waaya Heshiisyada Nabadda ay CXDS tilaabo adag ka qaadi doonaan.
8- in Gogosha xigta la dhigo Magaalada Gaalkcyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso Dowladda Somaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *