Dowladda federaalka Somaliya ayaa joojinaysa duulimaadyada gudaha dalka u kala safra si looga hortego faafitaanka cudurka…
Dowladda federaalka Somaliya ayaa joojinaysa duulimaadyada gudaha dalka u kala safra si looga hortego faafitaanka cudurka coronavirus ee Caalamka saameeyay.
Go’aanka lagu joojinayo diyaaradaha u kala safra dalka gudihiisa ayaa la filayaa inuu dhaqangalo maalinta Axad ah ee taariikhdub ku beegan tahay 29 Maarso 2019ka.
Diyaarado sida rakaab kala duwan ayaa dalka gudihiisa u kala safra Maalin walba, gaar ahaan duulimaadyada isku xiraa caasimadda Muqdisho iyo goboladda koonfureed ee dalka.
Dowladda Federaalku waxay hore u joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray dalka dibadiisa, inkastoo weli ay qaybo ka mid ah dalka timaado diyaarada Itoobiyan Airways.
HORSEEDMEDIA