Dowladaha Latinka oo ka jawaabay Derbiga Trump doonayo inuu dhiso – VIDEO

Published: January 27, 2017

Dowladaha Latinka ayaa shir ay ku yeesheen wadanka Dominican kasoo saaray baaq loogu jawaabayey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay inuu derbi ku xiri doono xaduuda dalkiisa laleeyahay Mexico.

Wadamada Latinka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan fikirka derbi laga dhiso xaduuda Mexico iyo Maraykanka waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha Maraykanka inuu ka fiirsado waxa dhibaato u keeni kara xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo dalalka uu jaarka la yahay.

Madaxda halkaasi ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Kuba Raul Castaro oo sheegay in dalkiisa uusan wax gorgortan ah ka geli doonin madax banaanida dalalkooda isagoona uga digay Trump inuu burburiyo heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Kuba (Cuba) iyo Maraykanka.

Xiisada Derbiga Trump ayaa sare usii kacday todobaadan kadib markii uu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka saxiixay wareegto bilowga dhismaha mashruucaasi oo uu sheegay in la bilaabi doono bilaha soo socda.

Madaxweynaha Mexico oo lagu waday inuu safar ku tago Washington todobaadka soo socda ayaa baajiyey safarkiisa kadib markii Trump ku goodiyey in Mexico bixin doonto kharashka ku baxaya dhismaha derbigaasi.

Trump oo hada xafiiska Aqalka Cad jooga lix maalmood ayaa sharuucda uu saxiixay durbaba dhaliyeen xiisado waaweyn oo caalami ah oo aan la aqoon halka ay salka dhigan doonaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *