Dowlada oo sheegtay in ay tirakoob ku sameynayso ajaanibta dalka kusoo qulqulaya-Sawiro

Published: August 16, 2018

Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa go`aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.

Go`aankaan lagu tirakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu maanta shir-gudoominayay Ra`iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayna kasoo qayb galeen mas`uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra`iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakoobka ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidaya in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda.

Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dawladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa`iido dhaqaale.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *