Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saartay go’aamo lagu…
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saartay go’aamo lagu xirayo goobaha barashada Diinta, dugsiyada iyo Mowlacyada , islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19.
Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la xirayo Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka si looga hortago Cudurka COVID 19.
“Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,”ayuu yiri Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta.